27th April 2024  admin  Category :

Waxaa dib u furmaya wadahadalka u dhaxeeya dawladda federaalka iyo beesha Isaaq. Wadahadlka ayaa ka furmi doona magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana ka soo qeeyb gelli doona xubno ka tirsan beesha caalamka oo dhageeysan doona cabashooyinka ay qabaan beesha Isaaq.

Beesha Isaaq ayaa iyadu wax ka tabaneeysa dawladdii Kacaanka, iyagoo aaminsan in dad laga laayey kadib markii ay jabahad soo abaabulleen.

Waxaa beesha Isaaq lagu qancinayaa in ay qeeyb ka noqdaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya ka hirgalay, balse iyagu waxeey ku andacoonayaan maadaama dawladdii Kacaanka ay dad ka leeysay dad tiro yarna ay yihiin ay doorbideen ineey goostaan.

Balse, beesha caalamka ayaa aaminsan in Soomaali ay is wadda dishay oo dilka uusan gaar ku aheen cid gaar ah sidaa darteedna Soomaaliya aan la kalla jari karin.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*