26th November 2024 admin Category :
Maamulka SNM ayaa jimcihii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay shirka maalgashiga , waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa.
Shirkan ayaa waxa u gooyey oo aan ka soo qayb gelin xubno ka tirsan dawladda Kenya oo horey Maamulka SNM u shaaciyeen inay ka qayb geli doonaan.
Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo ay SNM ku riyoodeen inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka ka soo qayb gelin shirkaas maalgashiga Somaliland.
Wasiirada ka socday maamulka SNM ayaa kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal. Markii danbe wasiiradaasi waxay isaga murqaan doonteen huteelkii ay ka deganaayeen Nairobi,
Ugu danbayntii intuu wasiir Jamaal ahaa wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, SNM . Albaabo badan ayaa ka soo xirmay sida tan maanta dhacday oo kale