26th July 2024  admin  Category :

Wefti Ka Socda Dawladda Puntland oo Gaarey Degmada Hadaaftimo

Wefti ay hormuud u yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa saaka 12 Nov 2017 kormer shaqo ku tegey duleedka magaalada Hadaaftimo, halkaasi oo ay kusugan yihiin ciidanka daraawiishta gobolka Sanaag.

 

Waftigani ballaadhan ee ka socdey dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku marayey gobolka Sanaag ee dawladda Puntland, ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Sanaag, waxayna kulan gaara la qaateen taliyaha ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag Gashaanle Sare Cabdullaahi Cumar Cashuur.

 

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa waxaa uu sheegay in maalinta beri ah dhammaan la joojiyo dhaqdhaaqyada gaadiidka iyo shacabkaba xaaladda amniga gobolka awgeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay illaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo marin habaabinaya qadiyaddooda wadaninimo iyo tan taariikhdooda soo jireenka ahba.

 

 

Agaasime Abwaan  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xusay inaan wax sanaaduuq doorasho u eg oo ka yimaada dhinaca Soomaliland  lasoo gelin karin Magaalooyinka Yube, Carmale, Damala-xagare, Shimbiraale oo dhamaantood ka tirsan degmada Ceerigaabo, isla mar ahaantaana waxa shacabka ku dhaqanka magaalooyinkaasi la farayaa inay ku ekaadaan guryohooda maalinta berito oo ay taarikhdu tahay 13 Nov 2017 xaalado Amni awgood, waxaana uu xaqiijiyey Agaasimuhu in cidanka masoo-jeesta yaasha ah ee dawladda Puntland diyaar u yihiin illaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada xuduuddaha dawladda Puntland.

 

Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa kulan gaara la qaatay nabadoonada iyo waxgaradka degmada Hadaaftimo, kulankaas oo u jeedkiisu ahaa ka arrin-sashada nabad gelyada iyo xasiloonida degaanada hoos yimaada degmada Hadaaftimo iyo dhammaan gobolkaba.

 

FIND US ON FACEBOOK
SANAAG POST TV

HEESTA TODOBAADKA

XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA

MAQAL IYO MUUQAAL

ILA QOSOL

CODADKA
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.   December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka   December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.   December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland 
NEWS IN ENGLISH
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland   October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity   September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda   April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*