18th April 2024  admin  Category :

Ka dib markii la doortay Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr.Cabdiweli M. Cali Gaas ayaa Iyadoo laga duulayo Siyaasadda Madaxweynaha ee horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha Dalka waxaa la abuuray qorshe isku tashi bulsho oo looga gol- lahaa in Puntland gaarto heer isku filnaansho ah.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo horay usoo noqday Ra’sulsaarihii Soomaaliya, lahaana saaxiibo badan oo daneeya horumarka Soomaaliya wuxuu socdaalo isdaba joog ah ku tagey wadamo badan oo caalamka ah si uu ugu qanciyo in ay ka qayb qaataan horumarinta Deegaanada Puntland.

Qorshaha hirgelinta mashaariicda Dawliga ah ee ay diyaarisay xukuumadda Puntland oo noqday mid hufan ayaa suurto geliyey in Puntland oo soo daayo dhaqaale badan oo horay loo xanibay kadib markii lagu qanci waayey qorshaha hirgelinta Dawladihii hore.

Taas ayaana suurto gal xukuumadda Puntlland ee hadda jirto noqoto xukuumadda ugu horaysey ee Puntland ka hirgelisa mashaariic heer kaan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*