26th July 2024  admin  Category :

Waxa hadda ka dhacaya fadhiga baarlamaanka ee qasbay in madaxweyne Xasan Sheekh uu su’aal ka keeno

Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan xasaasi ah, kaas oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha saxda ah looga hadali doono.

Farriin xalay loo diray Xildhibaannada oo lagu wargeliyay kulanka maanta ayaa lagu yiri” waxaa jira kulanka golaha Shacabka kaas oo looga doodi doona arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka”

Wax laga wado kalmada arrimaha masiiriga ah ee dalka oo la sheegay in baarlaamku ka doodayaan ayaa shaki badan ku abuurtay qaar ka mid ah xildhibaanada mucaardka ah.

“Arrimaha masiiriga ah haddii ay yihiin kuwa dalka danta u ah waa caadi in laga dooda, laakiin ma aqbali doona arrimo ay gadaal ka riixayaan madaxweynaha iyo xukuumada,” ayuu yiri xildhibaan Yusuf Gamadiid.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa qaba wallac ah in kulan uu noqdo mid uu buuqa hareeyo si la mid ah kii kana horeeyay ee 24-kii bishii dhamaatay ee sanadkaan qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka.

Kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaalhi Deni kulan looga arinsanayo marxaladaha guud ee dalka, kaas oo lagu martiqaaday madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore ee dalka.

Maxay yihiin arrimaha masiiriga ah ee looga hadlayo kulanka baarlamaanka?

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka sawirka,Gudoonka golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hab-dhowraha golaha Shacabka xildhibaan Maxamed Cabdullahi Nuux oo BBC- u warramaya ayaa sheegay in kulanka maanta ay mudanayashu kaga doodi-doonaana arrimo ku saabsan wax ka badelka dastuurka ku meel-gaarka ah.

“Dadku si khaldan ayay u fahmeen arrimaha masiiriga ah, balse wax ka badelka dastuurka oo kali ah ayaa looga hadlay kulanka maanta,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullahi Nuux.

Madaxweynaha ayuu sheegay in xataa uu su’aal ka waydiiyay baarlamanka waxyaabaha masiiriga ah ee ay ka hadli doonan.

“Waa kulan caadi ah madaxweynahu waxba kalama socda isaga ayaa xataa nasoo waydiiyay, “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Muqtaar Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka oo BBC -da la hadlaya ayaa sheegay in kulanka maanta si gaar looga hadli doono arrimaha ku saabsan wax ka badelka dastuurka.

“Kulanka golaha ee maanta waxyaabaha ugu waaweyn ee looga hadli doono waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda dalka oo aan iska wareysan doono, si gaar ah waxaan uga doodi doona dhameeystirka dastuurka.”

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada ay diri doonan fariin cad oo ah, in wax ka badelka dastuurka iyo dhameeystirkiisa ay tahay cida xaq u leh labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Gamadiid
Qoraalka sawirka,Xildhibaan Gamadiid waxa uu ka mid yahay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda wax ka bedelka dastuurka

“Arrimaha maanta aan sida cad u baarlamaanku u sheegi doono waxaa ka mid ah, in cida xaqa u leh marka laga hadlayo arrimaha dastuurka iyo wax ka badelkiisa ay tahay labada aqal, ma ahan cida banaanka joogt taas ayaan maanta cadeeyn doona,” ayuu yiri xildhibaan Muqtaar Guuleed.

Xildhibaan Muqtaar Guuleed ayaa sheegay in baarlamaanka uu yahay kan matala dhamaan bulshada Soomaaliyeed cid walbana ay leedahay kuwa ku matala.

Kulanka wadatashiga ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayuu sheegay in hadii looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka ay so dhaweeynayaan, balse waxa shaqo ah aysan ku lahyen arrimaha dastuurka dadka lagu casuumay.

“Haddii madaxda dalka ee shirka Garoowe lagu casuumay ay ka wada-hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo xaalada guud ee dalka waa caadi, laakin arrinta dastuurka iyo hadii wax laga badelayo sida ku cada qodobka 15-aad labada aqal ayaa mas’uull ka ah,” ayuu BBC-da u sheegay.

Kulanka golaha ayaa imaneya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaala wax ka bedelka dhameystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo bisha soo socota, iyadoo ay xusid mudan tahay in 24-kii bishi dhamaatay ee sanadkaan 2024 qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka.

Bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*