26th July 2024  admin  Category :

Lix qof oo Oromo ah oo lagu dilay Beledxaawo

Wararka ka imanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in 6 qof oo ka tirsan qowmiyadda Oromoada la dilay.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashid Cabdi Carook ayaa VOA u sheegay in dabley ka tirsan kooxda al-Shabaab ay toogteen 6 qof oo Oromo ah kuwaasi oo kala ahaa 4 rag ah iyo 2 dumar ah.

Carook ayaa VOA u sheegay in raggaasi hubeysan ay sidoo kale dileen haweenay Soomaali ah oo deeggaanka ka soo jeeday.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa sheegay in dadka la dilay isla galabta lagu aasay Beledxaawo.

Dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee ku nool Soomaaliya ayaa sheegay in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay kula kulmayeen dhibaatooyin tan iyo markii ay Ethiopia iyo Somaliland ay kala saxiixdeen is-afgaradka badda.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa wareysatay guddoomiye Cabdirashid Cabdi Carook.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*