14th May 2024  admin  Category :

Wax ka ogow sunta halista ah ee laga helay xawaashyada Hindiya laga keeno

Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ee dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah wax soo saarka labada shirkadood ee hormuudka ka ah badeecooyinka Hindiya. Shirkadahan ayaa lagu eedeeyay in ay beec geeyaan xawaashyo ay ku jiraan sunta ‘ethylene oxide’ ee sababta kansarka.

Horaantii bishan, Hong Kong waxay mamnuucday saddex xawaash oo ay leedahay shirkadda MDH iyo mid ka mid ah alaabada Everest ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan heerarka xad dhaafka ah ee ethylene oxide.

Waaxda Badbaadada Cunnada ee Hong Kong ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xawaashyada baakadaysan ee shirkadaha Hindida ee MDH iyo Everest laga helay in ay ku jiraan sunta cayayaanka ee ethylene oxide waxaana dadka lagu taliiyey in aanay cunno u isticmaalin.

Waxaa xusid mudan in alaabta labada shirkadood ee MDH iyo Everest ay ka mid yihiin xawaashka ugu caansan Hindiya iyo adduunka oo dhan.

Everest ayaa horay u sheegtay in alaabteeda ay badbaado u yihiin isticmaalka halka MDH aysan ka hadlin wark

“FDA way ka warqabtaa warbixinnadan waxayna ururinaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdan,” afhayeen u hadlay FDA ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Singapore ayaa sidoo joojisay xawaashka kalluunka loo isticmaalo ee Everest, iyada oo sheegtay in lagu eedeeyay in ay ku jirto sunta ethylene oxide oo xad dhaaf ah.

Hindiya waxay leedahay guddi dawladeed oo qaabilsan xawaashyada, guddigaas oo kormeera alaabta dibadda loo dhoofiyo.

Waxay sheegtay horaantii todobaadkan in ay qaadayso xogta labada shirkadood ee Hindiya, ay bilaabeen in ay kormeer ku sameeyaan warshadahooda ayna isku dayayaan in ay ogaadaan “sababta” dhibaatada Tayada keentay.

Mareegaha labada shirkadood ayaa hawada ka baxay Sabtidii.

Waa maxay Ethylene Oxide?

Everest
Qoraalka sawirka,Shirkadda xawaashayada ee Everest ayaa soo saarkeeda laga mamnuucay dhowr dal

Ethylene oxide waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin kala duwan oo dhanka warshadaynta ah. Waxaa kale oo loo isticmaalaa udug isla markaana jeermiska dila.

Hay’adda ilaalinta deegaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa sheegtay in kiimikadani ay daka kansar ku sababto.

2018, EPA waxay qortay in ‘ay jiraan cadaymo ku jira bini’aadamka in soo-gaadhista ethylene oxide ay kordhiso halista kansarka loo yaqaan lymphoid iyo kansarka naasaha ee haweenka.

BBC-da ayaa arrintan kala xiriirtay Everest iyo MDH balse wali wax jawaab ah kama helin.

Xawaashyo

Xawaashka Hindida ayaa sidoo kale cunaqabatayn caalamai ah hore ula kulmay. Sannadkii 2023, Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaa amartay in xawaashka shirkadda Everest ee sambar masala iyo garam masala laga saaro suuqa.

Xawaashyadan dadku jecelyihiin ayaa laga helay in bakteeriyada Salmonella. Bakteeriyadani waxay keeni kartaa shuban, calool xanuun, qandho, dawakhaad ama matag.

Ethylene oxide waa gaas aan midab lahayn isla markaana ololi kara. Waxaa aalaa loo isticmaalaa beeraha, daryeelka caafimaadka iyo warshadaha cuntada si ay u sameeyaan keemikaadka fumigants, cayayaan dilaha iyo suntan jeermiska lagu disha.

Ethylene oxide waxaa loo isticmaalaa xawaashyada iyo cuntooyinka kale ee engegan si ay u nadiifiaan oo ay u xakameeyaan cayayaanka.

Ethylene oxide waxa loo isticmaalaa in cuntada lagaga ilaaliyo bakteeriyada, fangaska iyo xasharaadka.

Si kastaba ha ahaatee, ururo badan oo caafimaad ayaa ka baqa in uu keeno kansar. Waxa kale oo la soo jeediyay in ay sidoo kale khatar u keeni karto habka taranka.

Iyadoo la tixgalinayo khatarta ethylene oxide, maamulayaasha cuntada ee dalal badan ayaa sameeyay sharciyo adag oo ku saabsan isticmaalka cuntada.

Wadamadani waxay leeyihiin shuruuc adag si loo go’aamiyo qadarka ethylene oxide ee loo isticmaali karo cuntooyinka si bedqab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*