27th July 2024  admin  Category :

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa u ambabaxay Dalka sacuudi careebiya

Illaa Lix Wasiiro ah oo ka tirsan dawladda  Soomaaliya ayaa maanta  u ambabaxay dalka Sacuudiga

Diyaarad qaas ah oo dowladda Sacuudiga u soo diray ayaa maanta  Wasiiradan ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safarka Wasiirada ayaa ku aadan sidii ay heshiisyo ula soo saxiixan lahaayeen dhiggooda Sacuudiga, kaasoo ka mid mashaariic ku baxeysa 4 bilyan oo dollar oo Sacuudiga ka hirgelinayo Soomaaliya.

Wafdigan Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta Somaaliya mudane  Jamaal Maxamed Xasan , waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo wasiiro kale

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*