29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Xannaanada Xoolaha C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa xadhiga ka jaray xarunta wasaarada xannaanada xoolaha ee Gobolka Sanaag .

Xaruntan ayaa dhismaha iyo qalabkaba waxa gacan ka geysatey hay’adda ICRC , waxana Wasiirku uga mahad celiyey shaqada waxtarka leh ee ay gobolka ka waddo .

Wasiirka ayaa la dar daar may masuuliyiinta Xannaanada Xoolaha ee gobolka oo iyagu ku shaqayn doona xaruntan.

Guddoomiyaha Gobolka Hon. Maxamuud Ciyoon ayaa isaguna tilmaamay in Wasaaradda Xannaanada xooluhu noqotay wasaaradii Afraad ee dhisme ku yeelata gobolka , Wasaaradaha kalena ugu baaqay iney ku daydaan si shaqooyinka bulshada gobolku ka sugeyso ay ugu gudbiyaan.

Xafladii daahfurka xarunta xannaanada xoolaha ayaa waxa ka soo qayb galay waxgaradka degaanka , masuuliyiinta dawlada ee gobolka iyo degmada , xildhibaano.heer federaal ah iyo madaxda xafiiska ICRC ee gobolka Sanaag oo.iyagu ku wareejiyey wasiirka .

 

Sawirka Gobolka Sanaag.
Sawirka Gobolka Sanaag.
Sawirka Gobolka Sanaag.
Sawirka Gobolka Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*