
15th July 2026 admin Category :
Wasiirro iyo xildhibaano ka socda labada Golle ee Dowladda Puntland oo maanta safar shaqo ee ku tegay Dooxada Laashimo
Laashimo: May 08 2026: Wasiirro iyo xildhibaano ka socda labada Golle ee Dowladda Puntland oo maanta safar shaqo ee ku tegay Dooxada Laashimo oo hoostagta Degmada Ceerigaabo Gobolka Sanaag, halkaas oo maalin ka hor ay ka dhacday shaqaaqo dhex martay beelo walaalo ah.
Ujeedada safarka guddiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan xal u helidda khilaafaadka iyo xiisadaha ka taagan deegaanka, gaar ahaan si ay gacan uga geystaan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada dhex martay beelaha walaalaha ah.
Masuuliyiinta ayaa warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Ciidanka ee Dawladdu geysay deegaanka, kuwaas oo gacanta ku haya amniga goobta, iyo tallaabooyinka ay ku sugayaan xasiloonida.
Wasiiradda iyo xildhibaanada ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dhaqanka iyo odayaasha deegaanka, kuwaas oo kawa hadlay sababaha keenay xiisadaha iyo sida ay u arkaan xalinta shaqaaqada ka dhacaday deegaanka.
Si gaar ah, guddigu waxay xoogga saareen baahida loo qabo in la dhiso wada hadal iyo isfaham ka dhexeeya beelaha walaalaha ah si loo xoojiyo nabadgelyada iyo ka hortagga in xaaladdu dib uga soo cusboonaato.
Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka ayaa masuuliyiintu kula dardaarmeen in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga.
See less







