
10th July 2026 admin Category :
Odayaasha beelaha Hawiye waxa ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeday in 2 sanno loogu darro Madaxwayne Farmaajo si uu u qabto doorasho qof iyo cod ah. Maanta, Madaxweeyne Xasan ayaa doonaya in uu ku darsaddo 1 sanno oo dheeriya, wuxuuna sheegay in uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah.
Odayaasha Beelaha Hawiye shalay Farmaajo waxa ay ka diideen in loogu darro 2 sanno si doorasho uu u qabto, waxa ay meel walba la taagnaayeen in Farmaajo uu ka soo baxo madaxtooyada maadaama uu xilka waqtigiisii uu ka dhamaaday, uuna Villada ku deganyahay si sharci darro ah.
Madaxwayne Xasan Shiikh waxa u harsan maalmo kooban, hadii la dhaafo May 15keeda oo ah maalinta ugu danbaysa sharcinimada dawladda, waxaa laga baqayaa in dalka uu aado dhinaca qoriga iyo dagaal dhiig uu ku daato.
Sida muuqata, odayaasha Hawiya waa kuwo aamuska laasimay, waxaana muuqanaysa shalay waxa ay Farmaajo uga soo horjeedeen in maanta ay taagantahayay. Hadaba odayaasha beesha Hawiye maanta Xasan Shiikh maku raaci doonaan rabbitaankiisa foosha xun, mise sidii ay shalay uga diideen Farmaajo ayeey maantana uga diidi doonaan igaarkooda?







