5th February 2023  admin  Category :

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel oo xilkii laga qaaday

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Warqada ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday Wasiirka ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa timid kadib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel uu magacaabay golaha deegaanka Degmada Balanbale.

wasiirkii arrimaha gudaha galmudug cabdi waayeel oo xilkii laga qaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*