8th May 2024  admin  Category :

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar fiidkii hore ee caawa lagu qaaday hoteelka Vila Rose ee ku yaala nawaaxiga xarunta NISA ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo Ismiidaamin ahaa waxaa xigay dagaal toos ah, iyadoo xaaladda ay tahay mid aad u cakiran.

Waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarkan ka dhashay, dadka dhaawacyada ah waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmed Axmed Doodisho oo xiliga weerarka ku sugnaa goobta.

Xildhibaano, Wasiiro iyo siyaasiyiin hore ayaa ku sugnaa hoteelka xiliga la weeraray, iyadoo qaarkood la soo sheegay in la soo badbaadiyay, halka kuwo kalena gudaha hoteelka ay ku jiraan.

Ciidamadda amaanka ayaa gudaha hoteelka kula dagaalamaya kooxda, iyadoo gurmadyo kala duwan ay halkaasi tagayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*