27th April 2024  admin  Category :

Aabbe gabadhiisa ku casuumay inay goobjoog ka noqoto maalinta lagu fulinayo xukunka dilkiisa

Haweeney 19 jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka, ayaanan awoodi doonin inay aragto aabaheed oo dil toogasho ah lagu fulinayo, kadib markii xaakim uu taageeray sharciga Missouri, oo dhigaya in ay aad u yar tahay.

Ninka la yiraahdo Kevin Johnson, ayaa wajahaya xukun dil ah Talaadada, isagoo lagu eedeyay inuu dilay sarkaal booliis ah sanadkii 2005-tii, xilligaasi oo uu ahaa 19 jir.

Waxa uu codsaday in gabadhiisa, Khory Ramey, ay goob joog ka noqoto goobta lagu dilayo.

Ururka Xorriyadda Madaniga ah ee Mareykanka, ayaa gudbiyay mooshin degdeg ah iyagoo wakiil ka ah gabadha yar, waxey ku doodayaan in sharciga gobolku uu ku xad-gudbay xuquuqdeeda dastuuriga ah.

Waxay yiraahdeen shuruudaha da’da ee sharciga Missouri – oo ka mamnuucaya qof kasta oo ka yar da’da 21 inuu goob joog ka ahaado goob lagu fulinayo xukun dil ah – aysan laheyn ujeedo rasmi ah oo la xiriirta dhanka badqabka fayoobida.

Johnson, oo 37 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii Ramey ay dadeedu ahayd laba sano jir.

Labada ruux ee gabadha iyo aabaheed, ayaa xiriirkoodu wuxuu ku dhisnaa booqashooyin, telefoon, waraaqo iyo iimaylo. Waxay keentay in gabadhii yareyd inta weynaatey, ay haatan wiil ay iyadu dhawaan dhashay xabsiga geystay, si uu ula kulmo awoowgii bishii hore.

“Aad ayaan uga xumahay inaanan aabahay la joogi karin waqtiyadii ugu dambeeyay,” ayay Ramey ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in aabaheed uu aad ugu dadaalay sidii uu xabsiga uga soo bixin lahaa, waxayna sheegtay inay codsi barya ah u gudbineyso guddoomiyaha Missouri, si uu ugu naxariisto aabaheed, oo uu cafiyo.

Johnson ayaa lagu helay toogashadii dhimashada lahayd ee sargaal katirsan booliiska Missouri, William McEntee, oo ahaa nin dhalay saddex carruur ah.

Qareenada Johnson, ayaa gudbiyay rafcaan ay ku doonayaan inay nafta macmiilkoodda ka badbaadiyaan dil. In kasta oo ayan u doodin dembigiisa, haddana waxay ku doodayaan in cunsuriyaddu ay door ku lahayd xukunka ciqaabta dilka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*