26th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adaha QM ee ka howlgala dalka

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya oo uu hoggaaminayay, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay, Mudane George Conway. Shirka ayaa looga hadlay dib ugu soo guurista hay’adaha Qaramada Midoobay ee gudaha Soomaaliya, dadaallada wadajirka ah ee ku aadan diyaarinta Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka, iyo wax ka qabashada xaaladaha soo noqnoqday ee ka dhashay isbedelka cimilada. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fullinta heshiiskii ku saabsanaa la wareegidda dowladda Soomaaliya ee Qaybta Falanqaynta Haqab-beelka Cuntada iyo Nafaqada (Food Security and Nutrition Analysis Unit) ee loo soo gaabiyo FSNAU.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, qaar ka mida Agaasime Waaxeedyada, iyo La-taliyayaal sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*