26th July 2024  admin  Category :

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, isla markaana ay qeyb ka yahiin la taliyaha wasiirka Cabdi Salaan Salwa iyo Agaasimaha Waaxda horumarinta iskaashiga carabta iyo Islaamka ee Wasaaradda ahna madaxa tababarada Mudane Maslax Wehliye, ayaa gaaray dalka kuwait, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta.

 

Wasiirka iyo wafdiga uu Hoggaaminayo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha dalkaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Dowladdaha Carbeed iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo  sameeyay, isagoo sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka kuwait uu kulmo la qaadan doona madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasio.

Dhinaca kale Wasiirka Jamaal Maxmaed Xasan, ayaa waxa uu  kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (kuwirt Fund). Mudnae Abdul Wahab Albadir, waxaana wasiirka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Soomaaliya ay sameeyneyso iyo dadaalada hadda socda, siddii ay uga qeyb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa  waxuu boggaadiyay  Horumarka ka socda dalka soomaaliya,  waxuuna sheegay in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonta taageerada dowladda Somaaliya iyo shacabkeeda.

Dhinaca kale  wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa wax ay ka qeybgali doonaan shirka Wasiiiradda qorsheynta Dowladdaha Carbeed oo maalinta bari ah ka furimi doona dalkaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*