26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay wafdi ka socday Sweden

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan ujeedkiisa ahaa  iskaashi dhinac Tirakoobka la qaatay Agaasimaha Guud Hay”adaha Tirakoobka (Statistics) Dalka Sweden  oo soo gaaray magaalada Muqdisho,

Dowladdaha Soonaaliya iyo Sweden ayaa si wayn iska kaashanaya dhinacyada horumarinta ee ku aadan soo saaridda xog sax ah oo dhameystiran, kuna saabsan dhaqaalaha, tirakoobka dadka iyo isbaddellada maciishadda waddanka.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mashaariic kala duwan ay ka hirgelineyso gudaha dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay wadaa dadaallo ku aadan soo saarista xoga dhab ah oo ku aadan korarka dhaqaalaha iyo la socodkiisa halka uu marayo” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Agaasimaha Guud Hay”adaha Statistics ee Dowladda Sweden Jokim Istaymni ayaa sheegay  in wada hadalka uu quseeyay iskaashi labada dowladood, waxa uuna intaa ku daray in Dowladda Soomaliya ay horumarineyso` dhinaca xogaha Qaranka .

Saddaxdii sano ee la soo dhaafay waxa ay dowladda Sweden tababarro isba-joog ah siisay shaqaalaha ku howlahan arrinta Xogaha si  aqoontooda kor loogu qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*