10th May 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee shanta sano (2024-2028), taasoo diiradda saareyso fursadaha iyo ka gudubka caqabadaha si loo gaaro yoolalka horumarineed iyo ujeedooyinka istaraatiijiyadeed iyo xoojinta hawlaha Wasaaradda ee dhinacyada horumarinta iyo isku-dubbaridka qorshaynta siyaasadda horumarinta qaranka iyo qaybaha wax ku oolka ah.

Waxaa si rasmi ah Istiraatiijiyadda u daahfuray Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, iyadoo munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ay ka soo qeybgaleen Xildhibaannno ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo hawlwadeenada Wasaaradda.

Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee shanta sano waxay hubinaysaa in Miisaaniyadda Qaranka iyo taageerada uu dalka ka helo bah-wadaagta horumarineed ay la jaan-qaadaan mudnaanta horumarinta qaranka. Qorshahan oo ah hab wajiyo badan leh ayaa mideynaya qorsheynta, isku dubbaridka, maalgashiga, iyo iskaashiga istiraatijiyadeed si loo gaaro himilada Wasaaradda ee qorsheynta iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale oo waara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire oo faahfaahinayay Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda ayaa sheegay in Istiraatiijiyadan ay hagi doono hawlaha Wasaaradda, islamarkaana ay waafaqsantahay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran.

Qorshahan ayaa ah mid lagu fududeynayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqon karo xaqiijinta himilada Wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*