26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Ganacsiga oo daahfuray shir ku saabsan xoojinta xiriirka ganacsi ee dibadda

Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta furay shir loogga hadlayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada gaarka ah oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda iyo hay’adda DAI halka Midowga Yurub na uu maalgeliyey.

Shirkan, ayaa lagu soo bandhigay laba daraasaddood oo ka hadlayey ganacsiyada aan tooska ahayn ee iskaga gudba xuduudaha, taas oo jidka u xaaraysa xiriir ganacsi oo si rasmi ah u dhexmara wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo weli ba sidoo kale daraasad ka hadlaysa Iskaashatooyinka iyo ururada ganacsiyada gaarka ah oo darsaysay, muhiimaddooda iyo doorka dawladda ee iskaashatooyinka iyo ururada ganacsiyada gaarka ah.

Labadan daraasaddood, ayaa ahmiyad weyn u leh fududeynta ganacsiga, dhiiri-gelinta maalgashiga iyo horumarka ganacsiyada gaarka ah, waxaana ay tani sii horumarin doontaa wada-hadalkii dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah taas oo xoojin doonta xalinta caqabadaha inta badan soo waajaha ganacsiga dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*