26th July 2024  admin  Category :

In ka badan 1,000 qoys ayaa lagu wadaa in ay ka barakacaan bartamaha Mozambique ka dib markii ay soo weerareen xayawaanka duurjoogta ah.

Madaxa maamulka deegaanka ee degmada Marromeu ee gobolka Sofala ee dalka Mozambique ayaa sheegay in dowladda hoose ay daadgureyndoonto 1,500 oo qoys ooo laga cabsi qabo ianay waxyeelo ka soo gaarto weerarada duurjoogta.

Henriqueta de Rosário ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay diiwaan geliyeen dhimashada saddex qof oo ka dhashay weerarrada duur-joogta rubuci hore ee sanadkan.

“Colaadda u dhaxaysa dadka iyo duur-joogta waa xaqiiqo sii kordheysa” ayay tiri Ms Rosário, iyadoo raacisay in dad badan ay halsi ugu jiraan weerarada duurjoogta.

Waxay sheegtay in ugu yaraan 400 oo qof ay iska diiwaan galiyeen hindise dib-u-dejineed si ay uga baxaan aaggaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*