26th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Batroolka oo kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta ee Xukumadda Soomaaliya mudane Cabdirishiid Maxamed Axmed ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Mr. Vebjorn Heines, kaasi oo diiradda lagu saaray sida looga faa’iideysan karo Kheyraadka dalka, isla markaana loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Kulanka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Norway ay uga caawin lahayd Madaxda Wasaaradda in tabaro la siiyo shaqaalaha Wasaaradda, si looga faa’iideysto

Danjiraha dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Mr. Vebjorn Heines ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka saacidi doonaan tababaridda shaqalaaha  iyo taageerida joogtada ah ee ay siinayaan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed  ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin ka faa’iideysiga fursadaha iyo mashaariicda ay dowladda Norway dooneyso inay ka hirgeliso dalka, gaar ahaan dhanka Wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*