18th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018  waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax kasocotey Hay’ada UNFPA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu maanta la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.

Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey Madaxweynahad Dawladda Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankii uu madaxqweynhu la yeeshay maanta waxaa uu kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isagoona sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*