29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Ingiriiska xiriirka xaaladaha gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster, isagoo kala hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasadda iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa la looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*