29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya oo magaalada Riyadh kaga qayb galay shirkii dalalka Carabta iyo Afrika ee Xuduuda la leh badda Cas iyo Gacanka Cadan

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka sido Madaxweyne Farmaajo waxa uu gaarsiiyey Boqorka Dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhaw oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*