25th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Amniga Puntland oo Gaaray Gobolka Sanaag

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa saaka gaaray Magaalada Badhan ee xarunta gobolkaasi, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekedaha, wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon , Duqa Degmada Badhan C/risaaq  Axmed Ciis,  Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag, Cabdullaahi Cumar Cashuur, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka ee degmadda, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolk Col Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaradaha, Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo Degaanka.

Soo dhaweynta ka dib Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummada soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo hayland ayan ka jirin wax doorasha ah oo dhinaca Somaliland ka timaada

Wuxuu sheegay in Fargalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysa ay tahay oo kaliya in la jahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Axmed (dowlad)

“meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo ogo, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga,sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhigi lahaa ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga, wuxuuna sii raaciyay

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu tilmaamay  in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

“cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaanmo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubta waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, ayan ka hortagaan waxa uu ugu yeeray faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaliland.

Booqashada wasiirka iyo waftigiisa ayaa kus oo beegantay, iyadoo ay maalin kaliya ka harsan tahay doorashada Madaxtinimada Somaliland, waxaan la filayaa inuu wasiirku u sii gudbo magaalooyin kale ee gobolka oo ay ku jiraan Dhahar, Hadaaftimo iyo Magaalooyin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*