26th July 2024  admin  Category :

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalmahan waxaa kusugnaa wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Amniga dawlada Puntland mudane Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad kuwaas oo u kuur galaya Amniga guud ee gobolka Mudug.

Wafdiga Wasiirka ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Taliska qaybta Booliska ee gobolka Mudug halkaasi oo warbixin ay uga dhagaysteen Laamaha Amniga waxaana ay sheegeen inuu amniga gobolku uu wanaagsanyahay markal laga reebo dhacdooyin mar mar ka dhaca gobolka kuwaas oo lagu Bartilmaansado madaxda dawlada Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu bogaadin u jeediyey Hay,adaha Amniga ee gobolka Mudug waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyey Sarkaal dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo saarkiil hore oo kasii horaysa kuwaas oo dilal qorshaysan loogu gaystay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa gaba gabadii wuxuu bogaadiyey wadda shaqaynta Ciidamada Puntland iyo dawlada Soomaaliya gaar ahaana ciidamada Isku dhafka ee gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*