28th November 2024 admin Category :
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Aamina “Xadhigle” Maxamed Cabdulaah, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa wasaaraddii caafimaadka oo ay howl fiican ka haysay inta laga bedelay waxa loo bedelay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
Sababta Aamino looga bedalay wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxay ahayd in wasiirka caafimaadka Puntland , Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo ka soo jeeda Gobolka Nugaal aanu isagu raali ka ahayn in wasaradda Caafimaadka Puntland ay ka howl gasho gobolada Hayland iyo Sanaag Sida gobolada kale ee Puntland. Taasina waxay dhalisay khilaaf iyo wada shaqayn la’aan dhex marta Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka.
Dacwadani ninka wasiirka ah iyo gabadha wasiir ku xigeenka ah markii ay gaartay xafiiska madaxweynaha Puntland, sidii dhaqanku ahayd waa adkaatay in nin ka soo jeeda gobolka Nugaal Xilka isaga laga bedelo, waxaana madaxweynaha Puntland u fududaatay in Gabadha hadda la geeyo wasaaradda duulista, maalmo ka dibna shaqada laga eryo mar haddii ay xaquuq u raadinayso gobolada Sanaag iyo Hayland
Hoos ka akhriso Aaamino maalmo ka hor Dawo gaarsiisay degaano hoos taga degmada Ceerigaabo
https://allsanaag.com/wasiir-ku-xigeenka-wasaarada-caafimaadka-puntland-aamino-xadhigle-ayaa-gaadhey-magaalada-yube/
https://allsanaag.com/cisbitaalka-dhahar/