27th July 2024  admin  Category :

Wasiirkii lagu bedelay  Allah ha u naxariisytee  Wasiirkii la dilay  Cabaas Siraaji , oo ka soo jeeday beesha Mirifle, Hubeer ayaa iska  casilay wasiirnimaddii  Dawladda Nabad iyo Nolol

C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiir, isagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay Faragelin, caburin iyo afduub ku heyso Maamulka Koofur Galbeed.

 

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay ayuu ku shaaciyay inuu xilkiisa iska casilay, isagoo xusay in aanay jirin meel dowladda Federaalka ay go’aan kaga soo saartay arrinta Koofur Galbeed in la farageliyo.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin meel go’aan looga gaaray in doorashada Koofur Galbeed looga reebo Mukhtaar Roobow, lana soo xiro, isla markaana la soo afduubto.

C/fataax Geesey ayaa sheegay in aanu marqaati ka sii ahaan karin waxa uu ugu yeeray dulmiga lagu haayo dadka Soomaaliyeed iyo meel lagu hareer marayo ku dhaqanka Dastuurka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*