27th November 2024 admin Category :
Wasiirkii lagu bedelay Allah ha u naxariisytee Wasiirkii la dilay Cabaas Siraaji , oo ka soo jeeday beesha Mirifle, Hubeer ayaa iska casilay wasiirnimaddii Dawladda Nabad iyo Nolol
C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiir, isagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay Faragelin, caburin iyo afduub ku heyso Maamulka Koofur Galbeed.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay ayuu ku shaaciyay inuu xilkiisa iska casilay, isagoo xusay in aanay jirin meel dowladda Federaalka ay go’aan kaga soo saartay arrinta Koofur Galbeed in la farageliyo.
Waxaa uu sheegay in aanay jirin meel go’aan looga gaaray in doorashada Koofur Galbeed looga reebo Mukhtaar Roobow, lana soo xiro, isla markaana la soo afduubto.
C/fataax Geesey ayaa sheegay in aanu marqaati ka sii ahaan karin waxa uu ugu yeeray dulmiga lagu haayo dadka Soomaaliyeed iyo meel lagu hareer marayo ku dhaqanka Dastuurka.