29th March 2024  admin  Category :

Wasaaradda Cayaaraha ee Puntland oo qalab isboorti ku wareejisay Maamulka Gobolka Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad gobaleedka  Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu wehliyo Agaasimah geed ee Wasaradda Axmed Cabdalla Tigaana ayaa qalabka ciyaaraha ku wareejiyey Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland.

Qalabka oo ahaa qalab loogu tala galay Qaarkamida degmoyinka, Tuulooyinka iyo Naadiyada Heerka koowaad ee Gobolka Sanaag, Maamulka heer Gobol oo ay weheliyaan Shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolka ayaa loo wakiishay inay gaarsiiyan bahda cayaaraha, waxaana qalabkan kamida kuwo loogu talagalay naadiyada heerka kowaad Gobolka Sanaag.

Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday garoonka Kuubada Cagta degmada Badhan oo hore ay u dhistay Puntland, kaas oo ay soo gaareen burbur roobabkii ka da’ay Gobolka, Wasiirka oo ka hadlaya garoonka ayaa tilmaamay inay bulshada Degmada iyo Maamulkaba ay ka shaqeeyaan dib u habaynta iyo dayactirka garoonka,  Dowladdana doorkeeda ka qaadan doonto dib u dhiska garoonka.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa degmada Badhan, Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada, isu duwaha Wasaradda ee gobolka iyo Godomiyaha iyo ku xigeenka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, qaarkamida Xildhibaanada golaha deegaanka, Waxgaradka gobolka, aqoon yahano iyo Qayb kamida Dhallinyarada Ciyaaraha.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*