20th May 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Baarlamaanka khudbadiisa waa la googooyey.

Maamulka beelaha Dirta waqooyi ku midaysan yihiin ee SNM, ayaa duulaan Isir nacayb ah ku soo qaaday gobolka Sanaag Todobaadkan.

Markii ay arintani dhacday ayaa Qurba joogta reer Maakir qaarkood waxay jeclaysteen inay ogaadeen xaqiiqda dhabta ah ee ka  jirta gobolka  iyo sida wax u socdaan.

Qurba joogtan reer Maakhir ayaa waxay go’aansadeen meesha qura oo warka saxda ah xilligan xasaasiyadda lagu jiro ay ka heli karaan inay tahay hogaanka ugu sareeya siyaasadda ee u metela maamulka Puntland u metela bulshada reer Maakhir.

Isku Duubni Baa

Waxay la xiriireen Qurba joogtu Gudoomiyaha Baarlamaanka CabdiXakiim Dooba daareed. Gudoomyihu waa ka ajiibay codsigii Qurba joogta iyo inuu u waramo

Gudoomiyuhu isaga oo ku hadlaya maamulka Puntland iyo beel ahaanba si fiican ayuu ugu waramay weerarka maamulka SNM ku soo qaadeen gobolka SANAAG  iyo sida ay u wajahyaan

Khudbadii  Gudoomiyaha, ayaa hadda waxa googooyey oo isku kab kabay warxumo tashiil shirka ku fadhiyey inuu yahay  Warsangeli , laakiinsee qalbiga ka jiran oo   intii  uu  waraysigu socday oo lays dhaafsanayey   , su’aalaha iyo jawaabuu isagu  ku mashquulsanaa sidii  Beelaha walaalaha oo wada degan  Puntland laysugu dhufan lahaa, s aan loogu soo gurman reer Maakhir oo loo qabsan lahaa degaanada inta harsan

Sida muuqata ninka warkan googooyey , waa nin aqoon u leh  warbaahinta iyo sida wax loo farsameeyo , xirfadani maaha mid uu markuu ugu horeeyey sameeyey sida uu ugu dhiiraday  horay ayuu u soo sameeyey oo ay u hirgashay oo uu ku soo Caano maalay.

 

Ugu danbayntii Madaxdii, iyo qurbajoogtii ka soo qayb gashay shirkan waxay wada ahaayeen Dad aaminsan Puntlandnimada iyo Hartinimada, umana casumin Gudoomiye Dhooba daareed   dhaleecaynta Puntland iyo beela walaalaha wada dega. Khudbadan la googooyey waxaan lagu soo bandhigin sida bulshada reer Maakhir ay u doonayaan garbka walaalahooda kale ee reer Puntland. Waxaaan laga soo bandigin oo kale sida ay u soo dhoweeyeen maamulka Cusub iyo madaxdiisa.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*