9th May 2024  admin  Category :

Xadka markaynu soo xirno Soomaaliya waxaan kula hadli doona dalka Ghan

Hogaamiyaha SNM Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka SNM.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada la sheegayo inuu bishan ka dhici doono dalka Ghana ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo soo celiyo wada hadaladii SNM oo hakad galay sanadkii 2015 xilligaasoo u dambeysay wada hadalo labada dhinac dhex maro.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

Wada hadalada Soomaaliya iyo SNM ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Turkiga, iyadoo Safiirkii hore Olgan Bekir u soo magacawday inuu noqdo Ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo SNM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*