26th April 2024  admin  Category :

Kaluumaysi aan laga hadlayn warshaddii Kaluunka ee federaalka Soomaaliya ee ku taalay magaalada laasqoray , waxay u muuqataa in Madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya  ay isku af garan waayeen lacagtii  ay doonayaan inay ka qaataan Maraakiibta shisheeye oo  iyaga oo dul sabaynaya xeebaha Soomaaliya bililiqaysanaya Kaluunkii Soomaaliyeed.

Wasaaraddii kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dawladda federaalka Soomaaliya waxay soo saartay war murtiyeed ayna meelna kaga qornayn warshaddii kaluumaysiga ee dawladda federaalka ee ku taalay magaalada Laasqoray nus qarniga.

Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya,  ayaa sidoo kale sheegtay in labo qof oo ka soo jeeda Federaalka in la saari doono maraakiibta shisheeye ee  Shatiga la siiyey. Shaaqalaynta magaca Fedraalka lagu  shaqaalaysiiyo Soomaali ama lagu  lagu qoro  waa shaqo abuuris loo sameeyo inta badan bulshada  reer Muqdisho.

Sidoo kale maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. ayaa iyaguna warmurtiyeed ay soo kala saareen shalay iyo maanta aan ku xusin Warshaddii kaluunka dawladda federaalka Soomaaliya ee Laasoqray oo ay ka soo bixi jirtay dakhliga ugu badan Soomaaliya

Jubbaland state of Somalia

https://youtu.be/03EdW0NUXkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*