25th October 2024  admin  Category :

Dhowaan ayeey ahayd markii Xildhibaano ka soo jeeda dalka Jabuuti oo ku abrtirsada beesha Warsangeli, Harti Daarood ay soo gaareen magaalada Hargaysa ee dalka Soomaaliya .

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay dalka Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu gogol xaari lahaayeen booqasho uu dhowaan ku iman doono Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti Abdoulkader Kamil Mohamed, oo isaguna ka soo jeeda Beesha Warsangeli.

Xildhibanadan ayaa sheegay in Ra’isal wasaaruhu uu tegi doono gobolka Sanaag si uu halkaa ugala kulmo Beesha uu asal ahaan ka soo jeedo.

Arintan ayaa waxa ka soo shaqeeyey Cali Buureed, oo isaguna ka soo jeeda Beesha Warsangeli. Dad badan oo ka soo jeeda Beesha Maakhirna  aad aeey  uga mahad celiyeen howshan uu qabtay.

Marka Arintu halkaa marayso ayaa sida dhaqanka u ahayd siyaasiyiinta Beesha Isaaq ay siyaasadeeyeen booqashaddii Ra’isawsaaraha ee  ahayd barashada Beeshiisa. Sidii ay u siyasadeeyeen markii Faarax Macalin oo ahaa Xildhibaan ka soo jeeda Dalka Keenya, kana soo   jeeday beesha Daarood, oo doonayey inuu booqasho ku tago Gobolka Sool si uu u soo arko ama u soo derso xaaladda dadka ku nool gobolka Sool.

Sabata ugu weyn ay beesha Isaaq u siyaasadeeyeen arintan, ayaa waxay ahayd  inay Caalamka Tusaan in Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag ay  tahay magaalo Isaaq.

Marka aad daawato muuqaalka hoose, nasiib xumo Siyaasiyiinta beesha Isaaq si ay u siyaasadeeyaan arintan  waxay isticmaaleen Marabbida  la joogta ee ka soo jeeda Beesha Warsangeli

Cali Buureed oo ka soo jeeda magaalada Dhahar iyo Jiif oo ku koray Gobolka waqooyi galbeed, labaduba si fiican ayeey u hadleen.

Cali Buureed howsha uu soo  qabtay, sida ay ku bilaabantay, booqasho uu Jabauuti ku tegay  iyo halka ay maanta  marayso ayuu ka sheekeeyey.  Ganacsade Jiif, isaguna wuxuu ka hadlay  taariikhda degaanka, ilbaxnimadii Saldanada Maakhir. horumarkii degaanka lahaa gumaysiga ka hor iyo Juqraafi ahaan sida Beesha Warsangeli ay caalamka ugu safri jireen

Inta kale oo muuqaalka ka muuqata oo beesha Isaaq isticmaalayaan si ay  Ceerigaabo uga dhigaan magaalo Isaaq ayaa ka soo wada jeeda magaalada Ceerigaabo

Ninka labaad oo  hadlaya Cali Buureed ka dib  ayaa  lagu magcaabo Indho case, wuxuu ka soo jeeda magaalada Ceerigaabo, Qoyskiisu waxay ka mid ahaayeen taariikhda qoysaska ugu taajirsanaa uguna taariikhda dheeraa magaalada Ceerigaabo. Maantana nacamlaynta  Isaaq ayaa kal weynaaday beeshiisa iyo magaaladii ay awoowayaashiis ka soo jeedeen.

Ninka ku xiga waa Ina Godane. Isaguna Ceerigaabo ayuu ka soo jeeda

Ninka ku sii  xiga waa ina Jaamac Xaamud, isguna Ceerigaabo ayuu ka soo jeeda

Ninka ku sii xiga Waa Cabdulaahi, waxa awoowe u ah Suldaan Cabdisalaam.

Ninka ku xiga waa Jiir Bulqaas isaguna Ceerigaabo ayuu ka soo jeeda

Ninka ku sii  xiga Waa Cali Cawar isaguna Ceerigaabo ayuu ka soo jeedaa.

Dhamaantoodna waxay ka soo jeedaan beelaha Nuux Cumar iyo Bahogayslabe  ee Warsangeli ee dega magaalada Ceerigaabo, sida ka muuqata hadaladooda Ceerigaabo waxay u aqoonsan yihiin inay tahay  magaalo Qori jarato. “Hal ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo”

Ugu danbayntii Cali Buureed, howsha aad bilowday  ha ku sii dayn niman magaaladdi ay ka soo jeedeen hadiyad ku bixiyey ee howsha aad qabatay  oo tolnimada ku bilowday adig  oo aan lagaa siyaasadeen   tolnimo ku dhamaystir oo Jabuuti iyo Maakhir isku xir.

AL-MANHAL FI TARIKH WA AKHBAR AL AFAR (AL-DANAKIL) pages 501-502
The source on History and Narrative of the Afar (Al-Danakil).

Hashim K Ashami

there r few Afars of somali origin live in Afar coast of the red sea in Harena, Baka island, Meder and Agigito south of Tio.
all those somalis who immigrated to Afar coast live between Tio and Harena, and they all belong to Somali tribe of Harti from Darood.

Warsangali live in Harena.

and one major somali group who live in Afar coast is Omarto they r from Harti and they r the oldest Somali group immigrated and they live in south of Tio.

the chiefs were representing Somalis tribes r :
– sheikh Ali Ahmed Gibdo from Omarto in Agigito, south Tio
– sheikh Mohamed Ahmed Horbita in Meder
– sheikh Omar Ali from Warsangali in Harena
– Somalis chief in Baka island was al haj Ahmed ben Salih ben Ahmed ben Mohamed ben Abbokor ben Yussuf ben Guled ben Yahya ben Ibrahim ben Daud ben Hassan ben Habib ben Abdel-nabi ben Waragsama ben Majarteen ben Harti ben Konba ben Gablallah ben Darood.

N.B. all these places in Eritrea.

source: AL-MANHAL FI TARIKH WA AKHBAR AL AFAR (AL-DANAKIL) pages 501-502
The source on History and Narrative of the Afar (Al-Danakil).

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*