12th January 2025 admin Category :
Halqabsiga Beesha Warsangeli Abgaal, ee ah “Warsangeli Caleed” wuxu ku saleysan yahay asalka meesha Warsangeli Abgaal ka soo jeedo oo ah CAL ama CAL-MADOW.
Waayeelka Abgaal Warsangeli waxa hal ku dhig u ah “Awoowgey Warsangeli Caleedoow” oo ah hadal ay ku dhawaaqaan markay asalka odeygooda tilmaamayaan.
Qabiilka keliya oo Cal lagu yaqaan waa Warsnageli Waqooyi. Waxa ku jira abtirsiiyaha Warsangeli Waqooyi Xamar-Gale oo ah oday dhawr jiil ka tirsada Warsangeli. Wax cad maadaama Warsangeli Waqooyi ahaa reer xeebeed ku caan ah badmarnimada in uu galay magaalada Muqdisho ama Xamar. Ka dib markuu Waqooyi ku soo noqday loo bixiyey Xamar-Gale.
Warsnagelinimadii iyo asalnimada Caleed ee oo ku hadhay Warsangeli Abgaal.
Waxa kale oo labada Warsnageli wadaagaan SHIRIB ama SHIRBE. Warsangeli Waqooyi waxay tuntaan SHIRBE, halka Warsnageli Koofuureed tunto SHIRIB.
Walina waxad ku arkaysaa Warsangaliga waqooyi qoysas magacyadoo Shiribka/ Shirbaha la xidhiidhaa sida” Hebel Shirbeeye”.
Inkastoo qaabka iyo hannaanku loo kala ciyaaro isbedelay laakiin weli waxay heystaan asalkii ereyga oo u gaara labadaa Warsangeli Caleed
“Warsangeli Caleedow Cadaliyo Calmadow ciideenna Hooyo waaye
Si kastaba taariikhdu ha u dhigto laakiin waxaan aan shaki ku jirin in Hartiga Warsnageli Caleed ee Abgaal iyo Harti Warsangeli Caleed ee Waqooyi ay is leeyihiin oo iska xigaan dad badan. Xigtanimadooda iyo is lahaashohoodu waa mid soo jirtay oo jiri doonta.
Fiidiyoga hoose ka arag halkan goobta uu Laashin Xuseen Weershe ku halqabsanayo
Guurow Beesha Warsangeli Caleed Daqiiqada 00:53
Caaqil Dhahar, Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa CAAQILKII GUUD EE BEESHA WARSANGELI
oo caddoowga (galabnimaddii) Duulaanka Dhahar ula caraabaayey
Warsangeli Caleed waxuu ahaa, Nimana La cawryaayo
Caada lagu yiqiin baa jirtoo, Cidina Moogeyne
Carrunkiisu meehuu ku baxo, Waw cabiranaayey
Caradana waxaa lagu fadhaa, Caarad warameedi
Caafimaad Ilaahow ku sii, Cayimiyaa tahaye
Warsnageli Caleed ee Abgaal waa tan Casha uu ka yimi ee weli goofku uga banaan yahay:
Laashin Xuseen Weershe marka xigga oo uu Warsangeli Caleed shiribka u tumi doono ama shirbeyn doono waxaan rajeyneynaa in uu Cal iyo Sanaag ay noqon doonto. Abwaan ama laashin Cal oo ah taad fiidiyowga ka aragto waa dhulkaaga