26th July 2024  admin  Category :

Waxa la doonayaa in ciidan Isaaq ah la keeno Shiddan iyo Waqdariya

Hadalkii Jabhadka SNM ee lagu magcaabo Gadheere ee ka soo jeeda beesha Muuse Yoonis ee Habar yoonis ku lahaa maalintii guddi ku sheega hawsha nabadaynta bilaabay ee ahaa, Inaan dhulka laysku hayo wax ciidan ah lagu arki karin oo dawladdu la wareegayso ,ayay hadda kusoo biyo -shubatay. Odayaasha ka soo jeeda beesha Warsangeli ee riwaayadda loo dhigayo waxa dhowaan loo sheegi doonaa in Shidan iyo Geelweyta la geenayo ciidanka Qaranka oo ah Maleeshiyaad ka soo wada jeeda beesha Isaaq

Labo habeen ka hor waxa magalada Hargaysa saacado badan ku wada shiray sadex Ilmo Mire ah oo horay dhiig ugu daadiyey gobolka Sanaag (Axmed, Boos iyo Shiine) Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi, arimaha ugu badan oo laga wada hadlayey waxa ugu badnaa sidii Ciidan Isaaq loo gayn lahaa Duleedka Laasqoray iyo sidii loo taageeri lahaa degaan la sheegay in hadda la degay oo u dhaxeeta Carmale iyo Ceerigaabo.

Ugu danbayn waa in guud ahaa beesha dhulkooda la doonayo in magac ciidan qaran lagu qabsado ay u diyaar garoobaan sidii argagixisadan looga hortagi lahaa

One thought on “Warku waa cad yahay

  1. Oday

    Beelaha nuux cumar iyo bah ogeyslabe waxay aqoonsanyihiin maamulka gooni goosadka ah iyagoo si toos ah ula shaqeysta. Hadii maanta iyagii dhulkoodii lagu haysto waa arin soo.dhoweyn mudan iidoorna waa ku saxanyihiin inay danahooda ka shaqeeyaan waayo dadka kale dan ma laha, waxa keliya ay leeyihiin waa hunguri
    Iidoor qadiyad buu leeyahay isugu jirta dhul boob iyo inay taliyaan waana inay u fushaa si kastaba ha ugu suura gashee

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*