26th July 2024  admin  Category :

Nairobi: Siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa ayaa gidaarka soo taabtay, waxaana loo gogol xaarayaa sidii loo soo afjari lahaa beentii shacabka loo sheegayey 30kii sanno ee na soo dhaafay ee aheed waxaan nahay dal madaxbannaan.

Hadaba, qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa maalmahan shir uga socday magaalada Nairobi, si beesha Isaaq ay siyaasadda Soomaaliya ay uga muuqan lahaayeen, waxaana fadhiga isugu yimid siyaasiyiinta Isaaq ee Muqdisho jooga iyo kuwa ka yimid Hargeeysa.

Togdheer: Diyaarado aan heebtooda la aqoon ayaa ugaarsi ka wada deegaano ka mid ah gobolka Togdheer, sida ay shacabka nawaaxigaasi degan ay soo sheegeen. Hase ahaatee, diyaaradahan ayaa loo maleenayaa in ay ogolaansho ka heeystaan maamulka Hargeeysa, taasoo beddelkeedana laga qaaday xoogaa lacag ah.

Ugaadha ayaa mamnuuc ka aheed in la dhoofiyo markii ay jirtay dawladdii Kacaanka, balse markii dawladda ay ka baxday meesha, meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah waxaa fadhiistay qooleeysato badda iyo berrigaba xaalufinaya.

Marka: Magaalada Marka, ayaa ka soo kabaneeysa dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo maray tan markii ay dagaalada sokeeyey dalka ay ka billoowdeen. Soomaaliya ayaa ah dal dalxiiska ku habboon, balse siyaasadda dalka oo aan fadhin iyo argaggixisada oo amniga lid ku ah, ayaa sababay in Soomaaliya ay xittaa ku noolaan la’yihiin dadkii dalka iska lahaa, iskaba daa in dalxiisayaal adduunka ka yimaada ay dalka yimaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*