26th July 2024  admin  Category :

Wareysi: Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

Wareysi: Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

Dalka Soomaaliya wali ma jiro heshiis iyo jadwal rasmi ah oo ku aadan xiliga rasmiga ah ee ay doorasha madaxtanimada ay dalka ka dhici doonto.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho kuwada gaaray heshiis lagu qaboojinayay xaaladda caasimadda oo meel halis ah bishan dhexdeeda gaartay.

Madax hore oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay in xaaladii kacsanayd ee dowladda iyo mucaaradka la dajiyay.

Haddaba Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo ka hadlay xaaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda uu dalka ku jiro ay tahay tii ugu adkayd muddo sannado ah.

Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayuuna ugu warramay magaalada Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*