28th March 2024  admin  Category :

Beesha Warsangeli iyo dadka deegaanka dhammaan, waxeey u baahanyihiin in lagu sameeyo isbeddel dhinaca hoggaanka dhaqanka ah. Maanta, qof kasta waxa uu darreensanyahay in loo baahanyahay isbeddel aad u weeyn, maadaama uu hoggaankii dhaqanka gudan waayey hawlihi loo igmaday.

Hoggaanku ma’ahan wax shaqsi ama shaqsiyaad ay leeyihiin oo sidii ay doonaan ay ka yeeli karaan; qofka suldaanka laga dhigay waxa uu xilka u hayaa bulshada. Suldaanimada iyo nabaddoonimada waa hanti shacabka uu leeyahay, ma jirto shaqsi ama jilib gooni u sheegan kara. Hadaba xaaladaha maanta taagan si xal loogu hello, waxaa lagamamaarmaan ah in dariiqii ay wax ku soo socdeen wax laga beddelo, iyadoo la waafajinayo xaaladaha waqtigan taagan.

Dariiqii soo jireenka ahaa ee aabbaha ay ka dhaxli jireen suldaannimada wiilashiisa ama cidda ugu dhaw qoyskaas, waa in taas la joojiyaa, wacyiga maanta lagu jiro ma’ahan mid xal u ah bulshada, waxaana lagamamaarmaan ah in la hello dariiq cusub oo xal u noqon kara dhammaan dadka deegaanka.

Xalka ugu wannaagsan ayaa ah in jilib kasta oo ka mid ah dadka deegaanka suldaannimada loo dhiibo muddo labba sanno illaa afar sanno, jilibkaasna waxeey iska soo xullayaan qofka ugu illaahay cabsi badan, ugu kartida badan, ugu aamminaada badan, dadka isku waddi kara, aan qaad iyo balwaddo kalle aan isticmaalin, wax kastana ka horeeysiinaya danta shacabka ee uu xilka u hayo.

Sidoo kalle, jilib kasta waxuu yeellan doonaa hal nabadoon, waxaana meesha laga saarayaa nabaddoonada faraha badan ee maanta la sameystay. Si caddaaladda ay u shaqeeyso, jilib kasta marka hoos ay u sii kalla baxaan, reer kasta waxeey nabaddoonimada heeynayaan muddo cayiman oo la isku afgartay. 

Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis aysan jecleeysan in isbeddel uu dhaco, balse ay taas ka jeclaan lahaayeen in wax kasta ay iska ahaadaan sida ay yihiin, iyaga oo eeganaya danahooda shaqsiga ah. Hadaba, shaqsi iyo shaqsiyaad iyagu callooshooda u shaqeeysanaya, waxaa ka wannaagsan in laga hormariyo oo laga talliyo masiirka guud ee dadka.

Jilibyada soo socda ayeey tahay in ay ku wareegto Suldaanimada:

Muxumud

Jibriil Siciid

Reer Maxamed

Warlabe

Xuseen Ciise

Reer Yuusuf

Aadan Siciid

Ogeeyslabe

Reer Xaaji

Bah Ogeeyslabe

Riig haye

Reer Xasan

Nuux Cumar

Bah Majeerteen

Reer Saalax

Bah Idoor

Aadan Yacquub

Gab Yabuud

Reer Yaasif

Tuure

Cawrmale

Bah Habar Xasan

Bah Yabare

Bihina Guuleed

Gobyawuud

Reer Caamir

6 thoughts on “Wareegto ha Noqoto Suldaanimada

  1. Hassan Hussein

    IMG_5899.png

    Haddii kuwii hore laga quustay bal ha tijaabiyo Garaad Cabdillahi Dafle, oo u sharaxan Warsangeli laguna caleemo saari doono dhawaan degaanka Qaarar,Garaadkaa oo lasoo tijaabiyey oo ah mid dadkiisa maqlaya.

    Reply
  2. Oxland

    #Arintaa dhaxalka Boqortooyada iyo Salaadiinta waa idinla qabaa, waxaa ka soo jeedaa beel ahaan #Harti Majeerteen, Cumar Maxamuud Saleebaan goboldeenu waa Mudug degaan. Waxaa nu leeyahey nabad galyo umada #Harti oo dhan. Nabadoonkeena waa reer Mahad Mudug. Waxaa qabaa in mahadka kale loo dhiibo maamulka iyo maamuuska balaaraan ee reer mahad si nabadoonadu ay wax tar muuqda ugu yeeshaan degmooyinkooda sida iney u shaqeeyaan horumarinta Dan balaaraan ee ka saaraan qoysaska beesh iyo deegaamadooda loona diyaar garoobo Mar waliba mustaqbalka lana jaanqaadan umada harti beesha iyo deeganadooda oo dhan.

    Reply
  3. Oxland

    Waxaa xusuus warsan ah aanu adkeysano hadaan nahey ummad iyo shacabka harto oo dhan, runtii deegamadeen waa nabad hayeeshee cadow ayaa waayah dambe naloo soo xawiley oo deegamadeen ku sugan jeebab yar yar oo doonaya iney ka caqli badshaan shacab weynaheena hartoo dhan. Arintaa waxaa ka leeyahey gacan bir ah shacabka ha isga qabteen soo galootiga deegamadeen loo soo xawiley ee doonaya iney mashquliyaan degmooyinkeena jeebabkaa waa in laga wacyi galiyaa goboladeena heer hoos. Waxaa layiri geel jiruhu xalkiisu waa hoos. Nabad galyo ha ahaa deen hartoo dhan iyo deegaamadooda. Aamiin

    Reply
  4. admin Post author

    Marka wixii la wada lahaa aad u aragto Biibito Qoyskaagu gaar u leeyahay waa tan oo kale. Waana sababta keentay in meerto laga dhigo

    Reply
  5. Garaad Ali Dable

    Hassan Husselen,NInka Abdilahi Dafle ee Garaadada lagu bedelayaa,QABIILKEE WARSANGELI KA YAHAY?

    Reply
  6. jamaal

    qabiiladii oo dhan baad ka tagtay maxaad wax qoraysaan iska hubiya XUSEEN ADREYS …..REER MAXAMED,,,,,REER YUSUF DUBEYS ….REER CALI MUUSE……REER….CALIgorey…..XANIIF ….MUSLIN DUBEYS…….REER CUMAR….HABAR…AXMED,,,,,,,,REEEER MAXAMED,,,,,,,,,,GADHWEYNE……BAH/HABARXASAN…….BAH/HABAR/CISMAN

    Reply

Leave a Reply to Oxland Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*