27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanaddii Aqalka Sare ee beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ay ka heli lahaayeen gobolada waqooyiga Soomaaliya ayaa  Wareegto aan sharci ahayn laga soo saaray.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari oo dhowaan xildhibaanimadiisa    ka soo helay beeshiisa   Reer Aw Midoobe ee Raxanweyn, horayma  u ahaa Gudoomiyahii hore ee  baarlamaanka Soomaaliya oo hadda la xulayo kii bedeli lahaa ayaa soo saaray wareegto aan sharci ahayn oo ay u soo qoreen wakiiladda SNM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wareegtadan ayaa waxa lagu qoray in  beelihii meelo kale ka helay Xildhibaanada  Aqalka sare ayna ka heli karin Xildhibaano kale  gobolada waqooyiga Soomaaliya ee “Somaliland”

Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli  ee dega waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ayaa wareegtadan  loogu  dan leeyahay oo iyagu  sadex Xildhibaan ka helay maamulka Puntland. Halka raali laga yahay Gobolada  Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe inay  iyagu  heleen Sideed Xildhibaan. Gobolka Galguddud iyo Nus Mudug ahna  ay iyaguna heleen sideed Xildhibaan. Isugaynta guud sadex gobol iyo Nus 16 Xildhibaan

Madashii ugu danbaysay ee madaxda Soomaaliyeed ay yeesheen  Go’aan lagama gaarin siddii loo qaybsan lahaa xildhibaanada waqooyiga Soomaaliya, waxaana arintaa loo xilsaaray inuu halkii ay joogtay  ka sii wado Ra’isawasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Jawaari oo dano siyaasadeed arintan ka leh iyo Daarood diid ayaa magcaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood  oo ka soo wada jeeda beelaha  Dirta waqooyi, kuwaas oo kala ah Jaamac Maxamed Qaalib,Xuseen Ceelaabe Faahiye, Axmed Siciid Faarax,Maxamuud Axmed Ismaacil,Ciise Ducaale Buun iyo Ibraahim Axmed Caabi

Gudigan ayaa loo magcaabay siddi ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaano ka soo jeeda oo qura  beelaha Dirta Waqooyi iyo hal Xildhibaan oo ka soo jeeda  beesha Fiqi Shini ee Hawiye oo xaafad ka degta gobolka Sool.

Siyaasiyiin reer Muqdisho ah oo uu ka mid yahay Xasan Culusoow ayaa arintan aan sharciga ahayn iyaguna wax ka og . Waxayna rajo ka qabaan in tan bedelkeeda ay ku helaan inay qabtaan hogaanka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Raisawasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arinta qaybsiga Xildhibaanada waqooyiga Soomaaliya  loo xilsaaray isagu   inuu wax ka qabto ayaa laga sugayaa jawaabta uu ka bixiyo wareegtada uu soo saaray Xildhibaanka beelaha reer Aw-Madoobe

capture-jpg-1

capture-jpg-1

capture-jpg-7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*