26th July 2024  admin  Category :

Hoos ka daawo Aqoonyahan, siyaasi,Libaaxa Punntland Simba iyo Xildhibaan hore Cawad Casharo oo ka hadlaya dhacdooyinka foosha xun ee Kenya iyo dhuumashadii Siilaanyo

Qoraal hore ALLSANAAG [2/28/2010] waa kuma Simba(Libaax) of Puntland

Joornaalka American Chronicle, ayaa doorashadii Sheekh Shariif ka hor qoray , “Simba(Libaax) of Puntland inuu yahay Siyaasiga qura oo ku haboon in uu Soomaaliya hogaanka u qabto si uu u badbaadiyo kumankunka Soomaalida ah oo gaajada ugu dhimanaya gudaha Soomaaliya, kuwa badda ku dhimanaya iyaga oo tahriibtabaya, dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyo midnimadeeda. Libaaxa aan sheegnay oo Somaliaya bad baadin kara waa Cawad Casharo, ayaa cinwaan looga dhigay maqaalka

Joornaalku wuxuu ku bilaabay Qoraalkiisa, Casharo waa nin ay aad u yaqaaniin Bulshada Caalamku, waana Qof ay jecel yihiin Soomaalida inteeda badani waana Muwaadin ay ku dheer tahay Soomaalinimadu

Casahro the simba (Lion) of Puntland waa Nin aad Wadani u ah,wuxuuna leeyahay khibrad aad u saraysa markay timaado Soomaaliya iyo siyaasiyaasadeedu oo uu muddo ku soo dhex jiray
Mudo badan ayaan ku soo dhex jiray soona dersaayey kuwa hogaamka u haya Soomaliya ,waxaana rumaysnahay maanta in Casharo yahay ninka ugu haboon oo Soomaaliya ka bad baadin kara dhibka ay ku jirto sidaas waxa yiri Ninkii maqalkan ku soo qoray American Chronicle, oo lagu magcaabo Mr Kanini.

Hadaba waa kuma Cawad Casharo?

Muuqaalkiisa ah garka iyo timaha badan, ayaa dadka Degaanka Kenya iyo walaalihiisa kale ee Soomaaliyeed waxay ka dhigatay Casharo qof caan ah ay aad u aqoonsadaan aragiisa uu ku caan baxay.

Casharo oo 64 jir ah , ayaa naanaysta Libaaxa puntland ku qaatay sida joogtada ah oo uga hadlo dhibka soo gaaraya dalka iyo dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogaan .
Casahro isaga iyo madaxweynihii hore ee puntland Cabdulaahi Yuusuf waxay ka wada yimaadeen Puntland,wuxuuna Puntland ka ahaan jiray wasiirka warfaafinta,cadaalada,hadana wuxuu ka yahay Paarlamaanka Soomaaliya chairman of Information,culture,hertige and Puplic awareness dawlada KMG.

Cawad Casahro wuxuu ahaa Chairmaankii dastuurkii lagu samaynayey Puntland Bishii AUG, 1998

Casahro sidoo kale wuxuu ahaa Afhayeenka 12 dib u heshiisiineed.

qaybta labaad oo maqaalkan waa idiin soo gudbin doonaaAllsanaag.com

Khaalid khaali1970@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*