26th July 2024  admin  Category :

 War murtiyeedka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Shir ka dhacaya Dhuusamareeb

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shir dhinaca khadka taleefanka ku dhex maray Madaxda Maamul goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa waxay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyagoo isla gartay labo qodob.

Waxaa la isla gartay in shir degdeg ah la isugu yimaado 9 bisha July ee ku beegan khamiista, kaasoo looga tashanayo arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan looga tashanayaan sidii ay shir degdeg ah isugu imaan lahaayeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaddib markii uu fashilmay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee qorsheysnaa inuu shalay oo 5 July dhaco, balse maamul goboleedyada aanay soo xaadirin.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid meel xasaasi ah maraya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo go’doon siyaasadeed, mar haddii maamuladii ku dhowaa aysan qeyb ka noqon qorshihii uu watay ee dhinaca doorashada.

Halkan hoose ka akhriso:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*