10th July 2026  admin  Category :

Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante oo sheegay in wada hadal ay dawladda fedewraalku ogtahay ay u wada socdan iyaga iyio beesha Isaaq.

Wada hadalkan oo sida muuqata qarsoodi ahaa ayaa hadda banaanka yimid, waana sida had iyo jeer doonayeen siyaasiyiinta Koonfureed ee ahayd in wax loo qaybsado Waqooyi iyo Koonfur

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa goob joog ka noqday saxeexa heshiiska is-afgarad “MoU” ee dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cabdullaahi Yuusuf International Airport. Heshiiskan ayaa isugu jira dhismaha, ballaadhinta, iyo casriyaynta qeybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyada oo ay iska kaashan doonaan Dawladda Puntland iyo Shirkadda Gaalkacyo Development Group (GDG) oo ah shirkad deegaanka ah, waxaana si isku tashi bulsho ah uga qeyb qaadan doona mashruucan bulshada Gobolka Mudug, iyada oo Garoonka loo diyaarinayo si casri ah si uu ula jaanqaado hannaanka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah. Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa xusay mudnaanta iyo muhiimadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isaga oo ku dheeraaday sida ay Dawladda Puntland iyo dadkeeda oo isku tashanaya uga go’antahay dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo fududaynta isu-socodka dal iyo dibed ee dadweynaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*