16th April 2024  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe oo inta badan dadka aflagaadeeya ayaa weerar afka ah ku qaaday dawaldda Jabuuti iyo Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uuna ku tilmaamay dawladda Jabuuti cadawga beesha Isaaq. Intaa waxa uu raaciyey, in Ismaaciil Cumar Geele uu caawiyo dawladda Soomaaliya oo kalliya, ciidankoodana ay ku dhintaan Baladweeyn, gobolka Hiiraan, waxa uuna su’aal ka keenay sababta uu Ismaaciil Cumar Geele u iman waayey magaalada Hargeeysa, balse uu u taggo oo kalliya magaalada Muqdisho.

Hadaba, hadalkaas waxaa ka jawaabay wakiilka Jabuuti ee fadhigiisa uu yahay magaalada Hargeeysa, waxa uuna ku tilmaamay hadalka Faysal Cali Waraabe mid aan waxba ka jirin, Jabuutina aysan naceeyb u qabin shacabka maamulka Hargeeysa.

Wakiilka Jabuuti ee Hargeeysa, ayaa waxa u soo jawaabay qaar qabyaaladda ay madax martay oo Faysal Cali Waraabe ku difaacaya qaab qabyaaladeeysan, waxeeyna wax laga xumaado ku tilmaameen in shaqsi Jabuutiyaan ah, oo welliba Hargeeysa joogaa, uu u jawaabo Faysal Cali Waraabe, waxeeyna ku talliyeen in 24 saacadood looga saaro magaalada.

Dadka ka bixinayey faalada arrintaas, ayaa boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waxeey ku raaceen in ninkaa Jabuutiyaanka ah laga saaro magaalada sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa cajiib ah, beel dhan oo intooda badan aan kalla harreeyn, oo aan u kalla harrin weeraridda shaqsi jooga deegaankooda.

Arrintan noocaan oo kalle ayaa ah mid aan ka dhicin deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu ay degto, dad dhan ineey shaqsi weeraraan oo welliba ay isku jiibiyaan. Hadaba, wakiilka Jabuuti ayaa amnigiisa uu hallis ku jiraa, waxaana qatar ah in beelo iska dhan oo guuraya ay weeraraan ninkaas.

https://youtu.be/ZezjuvwIQxc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*