26th March 2024  admin  Category :

Madaxda wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland kusoo dhaweeyey wafti heer wasiir ah oo kasocday wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiska Dawlad goboleedka Jubaland.

Waftigaan kasocda Jubaland waxaa hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane, Caydiid Saleebaan Xaashi, waxaana waftiga kamid ah xildhibaan katirsan Golaha wakiilada Jubaland, agaasimeyaasha wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland iyo masuuliyiin kale waxaana ay mudo dhowr cisho ah kulamo aqoon iswaydaarsi iyo kala kororsasho xaga aqoonta ah la yeelan doonaan wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*