28th March 2024  admin  Category :

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaare Khayre oo u amba baxay Mareykanka

Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,iyagoo ku sii jeeda Dalka Mareykanka si ay uga qeybgalaan shir ka dhacaya magaalada (Washington DC).

Waxaa kamid ah wafdga ra’iisul Wasaaraha xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayay arrimaha wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018ka,kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Banggiga Adduunka.

Waxaa la filaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi, waxayaabaha ugu badan oo diiradda u saran wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in deymaha laga cafiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*