28th March 2024  admin  Category :

Wafdi ka socday Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Wasiirka Wasaradda Haweenka Puntland , Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug iyo duqa degmada Gaalkacyo ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed .

Wafdigan ayaa maamulka koonfur-Galbeed uu soo magacaabay u kuur-gelidda xaladda Dadka laga soo barakiciyay magaalada Laas-caanood.

Wasiirka haweenka ee Puntland Aamino Cismaan Xaaji ayaa kahadashay soo dhaweynta, iyadoo xustay in Puntland ay mar kasta soo dhaweeynayaan bulshada reer Koonfur Galbeed, balse iyaga looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan adkeynta amniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed iyo qaar ka mida odayasha dhaqanka reer Koonfur Galbeed ee ku nool Gaalkacyo ayaa uga mahadceliyay maamulada Gobolka Mudug ee puntland iyo Galmudug soo dhaweeyntii ay u sameeyeen maatadii dhawaan laga soo masaafuriyay magaalada Laas caanood ee Gobalka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*