26th April 2024  admin  Category :

Wasiir ka tirsanaa maamul Galmudug, ahaana wasiirka amniga ayaa xilkiisa iska casilay kadib markii uu sheegay in isaga iyo Madaxweeyne Ahmed Qoor-Qoor ay isku fahmi waayeen sida loo wajahayo kooxda qaska ka wadda deegaanada Galmudug ee Ahlu Sunna.

Wasiirka hore ee amniga ayaa ahaa shaqsi ku fashilmay shaqadii uu maamulkaa ka hayey, waxa uuna la fakir yahay kooxda dagaal ogayaasha ah ee Ahlu Sunna oo dagaalkii ay ka abbuureeyn deeganada Galmudug ay sababtay ineey ku dhintaan dad tobbon qof kor u dhaafaya iyo dhaawac intaa ka badan. Hadii dagaalo kale uu dhex maro maamulka Galmudug iyo dagaal oogayaasha diinta ku qaraabanaya ee Ahla Sunna, ayaa sababi doonta dhimasho iyo dhaawac hor leh oo ay mas’uul ka yihiin nimankaa diinta sheeganaya.

Waxaa xaqiiq, ah in madaxweeynaha Galmudug uu ku saxsanyahay in nimanka la baxay Ahla Sunna xoog meesha looga saaro hadii ay diidaan in hubka ay wareejiyaan. Sidaan ognahay dalka Soomaaliya wuxuu soo maray maleeshiyo beeleedyo iyo kooxo dagaal oogayaal ah oo mid kasta ka tallin jiray xaafad ama magaalo, balse maanta waxaa ayaan darro ah in la yiraahdo wixii wax la mid ah ayaa la soo celinayaa si dalka uusan welligiis dawlad u noqon.

Ahla Sunna nimanka la baxay waxa ay doonayaan waa wax iska cad, waana ineey doonayaan in awood qeebsi laga siiyo maamulka Galmudug iyo in xubnaha baarlamaanka ee la soo xullayo ay qeeyb ku yeeshaan. Hadaba, maamul isagiiba ka koobnaa gobol iyo bar in maanta la yiraahdo labba dhinac ayaa maamuleeysa waa mid aan caqliga qaadan Karin.

Teeda kale, hadii awood qeeybsi la sameeyo, waxaa dhab ah in maamulka Galmudug uu noqon doono mid aan horumar sameeyn oo ay u dheeraan doonto khillaaf joogta ah. Hadaba, si maamulka Galmudug uu u noqdo mid nabad ah, waa in dadka deegaanadaa degan oo idil aysan aqbalin arinta ay doonayaa Ahla Sunna ee ah in ay dib u soo nooleeyaan hoggaamiyo kooxeedyadii dhaqankoodii. Maamulka Galmudugna ma noqon karo mid u qeeybsama Argagixisada Shabaab, dagaal oogayaasha Ahla Sunna iyo maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*