28th March 2024  admin  Category :

WAFDI KA SOCDA DFS OO BOOSAASO SOO GAADHAY IYO XAFLADDII CALEEMASAARKA JUBBALAND OO QABAN QAABADIISU SOCOTO

Kismaayo (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan ( Madoobe), ayaa sheegaya in la qaban doono maalinta Jimcaha ah ee bishan Oktoober ku beagan tahay 11-ka, iyada oo ay dhici karto in hal maalin horey ama dib loo dhigo, sababo la xidhiidha dhamaystirka wufuuda ka qeyb galeysa xafladda.

Munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo horey qorshaheedu ahaa in la qabto bishii Sebtember 26-dii ayaa dib loogu dhigay, ka gadaal markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay xayiraad dhinaca isku socodka ah bishii sebtember 23-dii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saartay xanibaad dhamaan wufuud ka qeyb geli lahayd xafladdaasi, oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Shariif Axmed, oo laga hor istaagay in uu ka baxo Muqdisho bishii Sebtember 22-dii. Sidoo kale waxa iyana xayiraad dhinaca safarka la xidhiidha la saaray  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ururada xisbiyada mucaaradka ah ee ku sugnaa Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in xayiraadaasi ay wali haysato ama ku jiraan  Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo xisbiyadda Mucaaradku.

Dhinac kalena warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews ayaa sheegaya in wafti ka socda DFS, oo ay ku jiraan Wasiiradda Arimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Kaluumaysigu ay soo gaadheen magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan Madaxweynaha Puntland Md. Siciid Deni, oo ku sugan Boosaaso. Wali wax war oo rasmi ah lagama soo saarin, waxaase wararku sheegayaan in ay wadaan fariimo la xidhiidha sidii Md. Deni loogu qancin lahaa in uunan tegin Jubbaland.

Md Deni ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo xafladda celeemosaarka Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Madoobe, iyada oo culeys weyni ka haysto xubno ka mid Dowlad Goboleedka Puntland iyo golaha Baarlamaanka Puntland, oo la sheegay in ay dabada ka riixayso DFS.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada Puntland ku matala Golayaasha Federaalka ayaa iyagu aanan lahayn wax saameyn ah siyaasadaha DFS ee ku wajahan Puntland, balse loo adeegsadaa dano gaara oo ka tarjumaya Madaxtooyada Muqdisho (Villa Somalia).

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*