26th July 2024  admin  Category :

Guddiga Doorashooyinka oo ku Faraxsanayn inay Farmaajo Jaar ama deris Ku sii wada ahaadaan VILLA WARDHIIGLEEY

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay dhib ku qabaan xafiiskooda ku yaala Madaxtooyada Somaliya.

Gudoomiyaha oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay jeclaan lahaayen in si furan ugu adeegaan dhinacyada siyaasadda, balse ay taasi ugu saamixi karin xafiiskooda oo ku dhex yaala Madaxtooyada.

Waxay intaa ku dartay tan iyo markii la aas aasay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay raadinayan xarun u gaar ah oo guddiga uu ku shaqeeyo, si uu si isu mida ugu wada shaqeeyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay sheegtay in ay iminka soo bateen shaqaalaha ka tirsan Guddiga Doorashooynka Qaranka, isla-markaana ay dalbanayan in la ballaariyo xafiisyada ay ku shaqeeyan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa waxay Madaxda Dowladda Somaliya ugu yeertay in Guddiga Doorashooyinka u dhisaan guryo ka madaxbannaan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, si ay waajibaadkoodu ugu dardargeliyan.

Xaliimo Yarey ayaa waxay hadalkan jeedisay markii uu soo geba-gaboobay kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*